News -
Dugsiga Ballidhiig
Sannadkii 1961 ayaa la furay dugsiga Ballidhiig. Waxa la qoray ardaydii ugu horraysay sannad waxbarasheedkii 1961/62. Meel cariish ah oo kiro ah ayay ardaydaasi ka bilaabeen waxbarashada. Ismaaciil Cumar Aadan (Boos) oo ka mid ahaa ardaydii dugsigaas lagu bilaabay, waxa uu xaqiijiyey in isla sannadkaas laga dhisay halka uu maanta dugsigu yahay hal fasal oo dhagax ah, xafiis iyo suuli.
Waxa dugsigaas maamulihii ugu horreeyey ka noqday Cabdillaahi Dubbe oo hadda Burco ku nool, macallin-dayaanena (Macallinka diinta iyo Afcarbeedka) Cabdikariim X. Maxamed Biixi Ba'gahaylo oo dhowaan AHUN Burco ku geeriyoodey. Ardaydaas ugu horraysey dugsigaasi kolkii ay sannad dhigteen, waxa dhammaantood lagu shubay oo loo beddeley Dugsiga Hoyga ahaa ee Beereed.
Waxa ardaydii ugu horraysey ka mid ahaa:
1. Ismaaciiil Cumar Aadan (Boss)
2. Ibraahim Maxamed Biixi (Fiix) (AHUN)
3. Faarax Xuseen Axmed
4. Cumar Cali Warsame
5. Xasan Seeraar Diiriye
6. Cismaan Ismaaciil Jaamac (Garanuug
7. Cismaan Nuur
8. Muuse Diiriye (Muuse-Fiiq)
9. Cabdoo Axmed Mohamed (Ina Aayir)